Somalia: Sodon al-shabaab ah oo ku dhimatey weerarka Bardheere

Image

Jul 17, 25 (GO)- Ugu yaraan sodon kamid maleeshiyaadka ururka Al-shabaab ayaa lagu diley weerarkii maalinta khamiista 16 July,2015 lagu qaadey gaari marayey deegaanka Juungal oo qiyaastii 30km u jira  degmada Baardheere ee gobolka Godo. 

Dowlada Kenya ayaa dib uga noqatey sheegashada in xubnaha ku dhintey weerarka diyaarada Mareykanka oo aan duuliyaha laheyn ku qaadey gaari uu saarnaa ninkii ka dambeeyey weerarkii lagu qaadey Jaamacad ku taal magaalada Gaarisa ka dambeeyey.

" In ka badan 30 xubnood oo kamid ah argagixisada Al-shabaab kuwasoo ay kamid ahaayeen kuwo la raadinayo ayaa ku dhintey weerarkas" sidaas waxaa sheegey afhayeen u hadley wasaarada arrimaha gudaha wadanka Kenya Mwenda Njoka.

Mwenda Njoka oo la hadlayey saxaafada ayaa sidoo kale sheegey in weerarkaan lagu daley koox kamid ah ururka Al-shababaab kuwasoo ka dambeeyey weeraro kooxdaan ku qaadey gudaha Kenya balse ka gaabsadey warar sheegaya in duqeyntaas ku dhinteen Mohamed Mohamud, oo loo yaqaan Dulyadin, Kuno iyo Gamadhere.

Warar laga soo xigtey odayaal degan agagaarka degmada Bardheere ayaa saxaafada u sheegey in duqeyntaan ay haleeshey labo gaari oo ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaaab.

Weerarkaan kadib waxaa dhamaan la gooyey isgaarsiinta magaalada Baardheere taasoo adkeysay in xog rasmiya laga helo dadka ku dhintey weerarkaan duqeynta ah.

Ciidamada Ethiopia oo ka tirsan AMISOM ayaa qorsheynaya in weerar balaaran ku soo qaadaan degmada Baardheere oo in muddo ah gacanta ku hayeen ururka al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM