Somalia: Tababar loo soo xiray Ciidamo Kumaandoos ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta tababar ugu soo xiray Muqdishu boqolaal askari cusub oo kamid ah ciidamada xoogga dalka.

Ciidamadan oo gaaraya 400 oo askari, ayaa tababar u socday mudo lix bilood ah, waxaana siinayay saraakiil u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ku sugan xero ku taalla nawaaxiga Tarabuunka.

Wasiirka warfaahinta Cabdiraxmaan Yarisow, wasiirkii hore ee difaaca Gen Diini, Safiirka Turkiga iyo madax kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda loo qabtay ciidamadan oo katirsan Guutada Danab iyo Militariga Somalia.

Xafladda waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madax ka socotay Imaaraadka, oo uu kamid yahay ku xigeenka safiirka dalkaasi, oo goobta ka sheegay inay sii wadi doonaan tababarka ciidanka xoogga dalka (SNA).

Cabdirashiid ayaa xusay inuu ku faraxsanyahay Tababarka loosoo Xiray ciidamada Kumaandooska ah ee Dowladda Imaaraadka, isagoo kula dardaarmay inay difaacaan dalka iyo shacabka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku dhawaaqay xaalada dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isagoona sheegay in ciidanka xoogga ay qaadi doonaan duulaan kooxdaas lagu dabar goynayo.

Dowladda Imaaraadka ayaa sanado kahor ka dhistay Muqdishu xero tababar oo aad u ballaaran, taasi oo tababar lagu siiso ciidamada kala duwan ee Somalia, gaar ahaan Kumaandooska iyo Militariga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM