​Somalia: Toos u Daawo doorashada HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa iminka si toos ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose uga socota doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo ay ku tartamayaan ilaa Sideed murashax.

Doorashada ayaa ka socota hoolka Farjano, waxaana Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka HirShabeelle uu sheegay in la diiwaangalinayo Xildhibaanada islamarkaana uu bilaaban doono codaynta wareega koowaad.

Hoolka doorashada waxaa ku sugan Xildhibaaano, Musharaxiinta, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Federaalka.

Murashaxiinta tartami doona ayaa kala ah;

  1. Daahir Cabdulle Cawaale
  2. Cabdiraxmaan Xasan Caddow
  3. Yuusuf Axmed Hagar
  4. Maxamed Caruush Diirow
  5. Cabdinaasir Maxamed Shirwac
  6. Cabdi Faarax Laqanyo
  7. Maxamed Cabdi Waare
  8. Cabdikariin Cali Nuur

Halkan ka daawo Muuqaalka Toorashada HirShabeelle oo si toos ah u socota

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM