​Somalia: Turkiga oo gawaari aan Xabaddu karin ku wareejiyay ciidanka Asluubta

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Turkiga  ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.

Basaska oo tiradooda ay tahay Labo ayaa  loogu talo galay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda dalka ku xiran ,waxaana  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab iyadoo dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda qaranka, isagoo timaamay in basaskan Caalamiga ah ee Turkiga ay ugu deeqeen Ciidanka Asluubta uu wax badan ka badali doonno howlaha Hormarineed ee Ciidanku kawadaan Xabsiyada dalka ,isagoo xusay Safiirka in Iminka Horumar aad u balaaran laga dareemayo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Basaska aan xabaddu Karin ay u qorsheeyeen markii ay si  toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xiliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay wadamada sida gaar ah u caawiyo dalka Soomaaliya iyadoo ay xusid Mudantahay in dhawaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ay ku wareejiyeen Dhar  iyo Qalabka ay ugu talo galeen ciidankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM