Somalia: Waaxyo katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la wareejiyay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamad Guuleed ayaa ka qayb galay xafladda xil-wareejinta waaxda Gargaarka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta loo wareejiyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah, iyadoo ay munaasabadda ka qeyb galeen labada Wasaaradood ee loo kala wareejinayey waaxaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku wareejiyey Wasaaradda Gargaarka labo waaxood oo kala ah Waaxda Gargaarka Abaaraha iyo Hay’adda Mareynta Masiibooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu si wanaagsan ay u sagootin doonaan shaqaalaha ka wareegaya wasaaraddooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane ayaa soo dhaweeyey shaqaalaha ay maanta la wareegeen, waxuuna cadeeyay in lagu wareejiyey shaqaale u diyaarsan shaqada ay qaban doonaan, sidoo kale waxuu soo jeediayey in hay’adaha ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka ay la shaqeeyaan Wasaaradda Gargaarka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay la shaqeynta Waaxahan lagu wareejiyey Wasaaradda Gargaar. Wuxuuna ka sheekeeyey u jeedka loo sameeyey Wasaarada in ay tahay sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo qaabkii looga tabaabushaysan lahaa abaaraha soo noq-noqda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM