Somalia: Wafdi uu hoogaaminayo Odowaa oo Cadaado tagay

Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda waqtigeedu dhammadaay ee dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta tagay magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug.

Socdaalka Odowaa iyo wafdiga lasocda ayaa la sheegay inay salka ku hayso dar-dar galinta howlaha doorashooyinka dhacaya 2016.

Waxaa soo dhaweyn u sameeyay madax katirsan Galmudug iyo qaybo kamid ah bulshada ku dhaqan Cadaado.

Kulamo kala duwan ayay la qaateen bulshada halkaasi ku dhaqan iyagoo kala hadlay arrimo khuseeya doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadkan.

Waxaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxda maamulkaasi.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in doorashada sanadkan dalka ka dhacaysa tahay mid fursad wayn siinaysa shacabka, sidaa daraadeedna loo baahanyahay in ahmiyadeeda lagu baraarugsanaado.

Waxa uu intaa ku daray wasiir Odawaa, in maalmaha soo socda wafdigu joogi doono magaalada Cadaado, islamarkaana kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka si loo dardargaliyo arrimaha doorashooyinka oo dawlada Soomaaliya ay xoogga saarayso inay si hufan u dhacdo.

Socdaalkan ayaa qayb ka ahay safarro is-daba joog ah oo madaxda dowladda waqtigeedu dhammaday ku tagayeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM