Somalia: Wariye Hanad Ali Guuleed oo lasii daayay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wariye Hanad Cali Guuleed, oo shalay subax kooxo hubaysan ay ka afduubteen wadada xiriirisa magaalada Muqdishu iyo Afgooye ayaa dib u helay xorriyadiisa isagoo bad-qaba.

Idaacadda Madaxa-bannaan ee Goobjooge News, ayaa saaka xaqiijisay in Wariyahaas laga helay degmada Afgooye isagoo jeebaysan.

Lama oga cid ilaa hadda ka dambaysay afduubka Guuleed oo soo saare ka ahaa Iddaacadda iyo TV-ga Goob joog.

Afduubka ayaa dhacay shalay subaxnimadii xilli Hanad uu kasoo socday Hoygiisa deegaanka Tareedishe, kuna sii jeeday xarunta Idaacadda oo ku taalla KM-5 ama Zoobe.

Hanad oo Qoyskiisa kasoo wacay Goob uusan aqoon, ayaa u sheegay in si xun ay u jirdileen kuwa afduubka u haysta, oo aan la ogeyn waxa ay ka doonayaan Wariyaha, oo Madaxa Wararka ka ah Goobjoog News.

Xaaska uu qabo Hanad Cali Guuleed ayaa shalay u sheegtay Warbaahinta Muqdishu in afduubka uu ka yimid markii xalay laga soo wacay Taleefoonkiisa gacanta, looguna caga-jugleeyay in la dilayo.

Hanad maalmihii ugu dambeeyay waxa uu ka shaqeynayay Barnaamij loogu magac-daray "Media for Aid", oo looga hadlo arrimaha gurmadka bini'aadanimada, ee loo sameynayo dadka barakacayaasha ah.

Inta badan Wariyaasha Somalida ayaa ku shaqeeya xaalad adag iyagoo dhibaatooyin kala kulma kooxaha argagixisada iyo dowladda intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM