Somalia: Wasiir Ceymooy oo beeniyay inuu kamid ahaa dadkii lagu qarxiyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somalia, ayaa beeniyay inuu kamid ahaa dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii labaad ee ururka Al Shabaab ku qaadeen Hotel Weheliye ee magaalada Muqdishu.

Maxamed Cumar Ceymooy, oo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdishu, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay qarax kadib kaasoo ahaa in weerarka lagu qaaday baabuur uu lahaa Ceymooy.

“Aniga waan nabad qabaa, gaarigaygana waa fiicanyahay anaa watay waxna ma qabo, waxaana ku war-helay iyadoo la leeyahay wasiirkii waa dhintay, waa la weeraray iyo baabuurkiisa wax lagu dhuftay, warkaas waxba kama jiraan,”Ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay mid kamid ah Idaacada Muqdishu.

Balse, wuxuu qiray inuu kamid yahay dadka degan hotelka weheliye.

“Haa aniga Hotelka waan daganahay, balse ma joogin waqti xaadirka weerarku dhacayay, waxaana la balansanaa dhakhtar, anagoo wada joogna ayaana maqlay jugta qaraxa,”Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray wasiirka Kalluumaysiga dowladda Federaalka Somalia.

Wasiirka ayaa ku wargaliyay dhammaan shacabka Somaliyeed inuu bad-qabo islamarkaana xaaladiisu caadi tahay, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo wararka khaldan ee la faafiyay.

Tuhunkan ayaa yimid kadib markii afaafka hotelka lagu arkay baabuur inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda oo waxyeello kasoo gaartay weerarkaas, halka uu kamid ahaa shakhsiyaad degan Weheliye Hotel.

Kooxda Al Shabaab ayaa qiratay mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna xuseen inay bartilmaameedsadeen mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia.

Hotelkan ayaa inta badan waxaa dega mas’uuliyiin isugu jira Xildhibaano iyo Wasiirro katirsan dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM