​Somalia: Wasiir ka bad-baaday weerar [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraaha xukuumadda Federalka Somalia ayaa sheegay inuu xalay ka bad-baaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo xilli uu ku sugnaa wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdishu.

Weerarkan lala eegtay Maxamed Xasan Nuux, ayaa ilaa hadda caddayn inuu yaalla goobta uu taagnaa wasiirku iyo inuu ahaa mid lasoo tuuray, waxaana mar uu ka hadlayay sheegay inuu u malaynayo mid lasoo ganay.

Majirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray isaga iyo ilaaladiisa, balse sida uu u sheegay warbaahinta gudaha, waxaa jiray qof dhaawac yar haleelay.

Rasaas ayaa dhacday qaraxa kadib sida uu tilmaamay wasiir Nuux.

Ilaa hadda cidna masheegan weerarkan lagu qur goyn lahaa wasiirkaasi.

Horay falal caynkan oo kale ah waxaa uga bad-baaday mas'uuliyiin katirsan dowladda Federalka Somalia.

Ururka Al Shabaab ayaa loo nisbeeyaa falalkan oo kale inay ka gaystaan magaalada Muqdishu caasuamdda Somalia.

Arrintan ayaa lagusoo beegay xilli dhawaan magaalada Xamar lagusoo gabagabeeyay koob loo qabtay kooxo kasocday maamul goboleedyada dalka kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo caayaraha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM