​Somalia: Wasiir ka bad-baaday weerar [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraaha xukuumadda Federalka Somalia ayaa sheegay inuu xalay ka bad-baaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo xilli uu ku sugnaa wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdishu.

Weerarkan lala eegtay Maxamed Xasan Nuux, ayaa ilaa hadda caddayn inuu yaalla goobta uu taagnaa wasiirku iyo inuu ahaa mid lasoo tuuray, waxaana mar uu ka hadlayay sheegay inuu u malaynayo mid lasoo ganay.

Majirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray isaga iyo ilaaladiisa, balse sida uu u sheegay warbaahinta gudaha, waxaa jiray qof dhaawac yar haleelay.

Rasaas ayaa dhacday qaraxa kadib sida uu tilmaamay wasiir Nuux.

Ilaa hadda cidna masheegan weerarkan lagu qur goyn lahaa wasiirkaasi.

Horay falal caynkan oo kale ah waxaa uga bad-baaday mas'uuliyiin katirsan dowladda Federalka Somalia.

Ururka Al Shabaab ayaa loo nisbeeyaa falalkan oo kale inay ka gaystaan magaalada Muqdishu caasuamdda Somalia.

Arrintan ayaa lagusoo beegay xilli dhawaan magaalada Xamar lagusoo gabagabeeyay koob loo qabtay kooxo kasocday maamul goboleedyada dalka kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo caayaraha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM