Somalia: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdishu ku qabatay shir ku saabsan dib u hishiisiinta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa maanta oo Talaado ah ka furtay magaalada Muqdishu Shirweyne Qaran oo looga hadlayo dib u heshiisiinta.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madax katirsan Dawladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa looga doodayaa inta uu socdo sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Beelaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirrada maamul goboleedyadda u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa horey u iclaamiyay Shirkan, isagoo sheegay in Wasaaradiisu ay doonayso in lasoo Afjaro colaada saameynta ku yeelatay Bulshada Somalia.

Wasiir Juxa ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay waxa uu sameeyay Dedaallo badan, oo ay kamid tahay dib usoo celinta Wadahadalka Galmudug iyo Puntland, ee ku aadan Colaadda Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM