Somalia: Wasiirka Maaliyadda oo Xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas  Maxamed Aadan Fargeeti.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka dalka Xasan Cali Kheyre iyo Mas'uuliyiin kale, ayaa saaka ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Kheyre oo ka hadlay xafladda ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Maaliyadda, wuxuuna ku ammaanay dadaalkoodii iyo heerka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda oo suurtagelisay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, isagoo ku booriyay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira.

“Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ka fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

“Ma aqbali doono aniga iyo madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yiri mar kale.

“Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM