​Somalia: Wasiirro kusoo baxay doorashada Aqalka hoose

Image

JOWHAR, Somalia- Doorashooyinka Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ee kasocota xarumaha maamullada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed Somalia, waxaa kusoo baxay xubno kamid ah xukuumadda Waqtigeedu dhammaaday.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, Cali Maxamed Nuur, ayaa kusoo baxay doorasho ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halka mudane kale oo lagu magacaabo Saalim Cali Ibrow isna la doortay.

Dhinaca kale doorasho taas lamid ah oo ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, waxaa kusoo baxay Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda  warfaafinta Somalia, Cabdullaahi Colaad.

Doorashada Jowhar ayaa muddo hakad ku jirtay, kadib markii ay rabshado ka yimaadeen mas'uuliyiin katirsanaa dowladda waqtigeedu dhammaaday gaar ahaan wasiirkii Cayaaraha oo loollanka looga adkaaday.

Sidoo kale Doorashada ka socota Magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay Samiira Xasan Cabdulle iyo Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo 29 Cod kaga guuleystay murashixiinta la tartamaysay oo kala ahaa Bashiir Macallin Aaden iyo Cabdulaahi Aaden Muuse.

Ammaanka goobta doorashada magaalada Jowhar, waxaa la wareegay ciidamo kasocda AMISOM gaar ahaan dalka Burundi, kadib markii ammaanku noqday mid la isku halayn karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM