​Somalia: Weerar Madaafiic loo adeegsaday oo ka dhacay Halgan

Image

HALGAN, Somalia - Al Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday tiro hoobiyaal ah ku qaadey saldhiga ciidamada Ethiopia ku leeyihiin deegaanka Halgan, ee gobolka Hiiraan.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online, ka helayo Halgan ayaa sheegaya in Madaafiic lagu qiyaasay ilaa 8 xabo laga maqlay nawaaxiga deegaankaasi gaar ahaan saldhigga ciidamada Ethiopia.

Al shabaab ayaa sheegtay in qaar kamid ah hoobiyaasha ay ganeen ku dhaceen gudaha saldhiga, sidoo kalena khasaaro gaarsiiyeen askartii halkaasi ku sugnayd.

Weerarka kadib, ciidamada Ethiopia ayaa sameeyay howlgal military, iyagoo isku-fidiyey deegaanada duleedka Halgan ku yaalla, si ay u baacsadaan Al shabaab.

Ma jiraan Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyaasha loo adeegsaday, ee Ururka Al shabaab ku qaadey Halgan.

Bishii Jun, 2016 ayaa Al shabaab weerar xooggan ku qaadey saldhigyada ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia, waxaana weerarkaasi lagu dilay in ka badan 100 katirsanaa Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM