​Somalia: Weerar Madaafiic loo adeegsaday oo ka dhacay Halgan

Image

HALGAN, Somalia - Al Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday tiro hoobiyaal ah ku qaadey saldhiga ciidamada Ethiopia ku leeyihiin deegaanka Halgan, ee gobolka Hiiraan.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online, ka helayo Halgan ayaa sheegaya in Madaafiic lagu qiyaasay ilaa 8 xabo laga maqlay nawaaxiga deegaankaasi gaar ahaan saldhigga ciidamada Ethiopia.

Al shabaab ayaa sheegtay in qaar kamid ah hoobiyaasha ay ganeen ku dhaceen gudaha saldhiga, sidoo kalena khasaaro gaarsiiyeen askartii halkaasi ku sugnayd.

Weerarka kadib, ciidamada Ethiopia ayaa sameeyay howlgal military, iyagoo isku-fidiyey deegaanada duleedka Halgan ku yaalla, si ay u baacsadaan Al shabaab.

Ma jiraan Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyaasha loo adeegsaday, ee Ururka Al shabaab ku qaadey Halgan.

Bishii Jun, 2016 ayaa Al shabaab weerar xooggan ku qaadey saldhigyada ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia, waxaana weerarkaasi lagu dilay in ka badan 100 katirsanaa Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM