​Somalia: Xubno katirsan Al shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Afar kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Somalia, ee ku sugan deegaanka Goofgaduud, ee duleedka Baydhabo.

Gudoomiyaha Goofgaduud Siidow Cali Shiine, ayaa sheegay in xubnaha kasoo goosteen Al shabaab iyagoo sita hubkooda.

Mar uu ka hadlayay qaabka ay isku sood hiibeen, wuxuu xusay inay xiriiro lasoo sameeyeen ciidamada dowladda ee ku sugan Goof-gaduud.

Siidow wuxuu intaasi ku daray in nin oday ah uu kamid yahay raggan soo galay gacanta dowladda, kaasoo loo gacan galiyay Wasaaradda hubka dhigista iyo dhaqancelinta Malleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

"Waa afar nin, oo dhalinyaro dad'doodu u dhaxayso 17 illaa 20 Jir, waxaana ku jira Oday da' ah, waxay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee Goofgaduud, kadib markii ay xiriir lasoo sameeyeen," Ayuu yiri Gudoomiye Siidow.

Wuxuu xusay in ay soo kordhayaan xubnaha Al shabaab kasoo goosanaya ee dhanka dowladda isku soo dhiibaya, tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo cafiska u fidiyay bishii Maarso, 2017.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab, oo ku aadan is-dhiibida afartan dagaalyahan.

Maaha markii ugu horaysay ee mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ay soo galaan gacanta dowladda.

Al Shabaab ayaa lumisay gacan ku heynta deegaanno badan, oo Koonfurta iyo bartamaha ku yaalla tan iyo 2011-dii, balse Kooxda waxay wali ku sugan tahay qeybo kamid ah dalka, oo ay kasoo abaabusho weerarada ka dhanka ah dowladda iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM