​Somalia: Xubno katirsan Al shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Afar kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Somalia, ee ku sugan deegaanka Goofgaduud, ee duleedka Baydhabo.

Gudoomiyaha Goofgaduud Siidow Cali Shiine, ayaa sheegay in xubnaha kasoo goosteen Al shabaab iyagoo sita hubkooda.

Mar uu ka hadlayay qaabka ay isku sood hiibeen, wuxuu xusay inay xiriiro lasoo sameeyeen ciidamada dowladda ee ku sugan Goof-gaduud.

Siidow wuxuu intaasi ku daray in nin oday ah uu kamid yahay raggan soo galay gacanta dowladda, kaasoo loo gacan galiyay Wasaaradda hubka dhigista iyo dhaqancelinta Malleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

"Waa afar nin, oo dhalinyaro dad'doodu u dhaxayso 17 illaa 20 Jir, waxaana ku jira Oday da' ah, waxay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee Goofgaduud, kadib markii ay xiriir lasoo sameeyeen," Ayuu yiri Gudoomiye Siidow.

Wuxuu xusay in ay soo kordhayaan xubnaha Al shabaab kasoo goosanaya ee dhanka dowladda isku soo dhiibaya, tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo cafiska u fidiyay bishii Maarso, 2017.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab, oo ku aadan is-dhiibida afartan dagaalyahan.

Maaha markii ugu horaysay ee mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ay soo galaan gacanta dowladda.

Al Shabaab ayaa lumisay gacan ku heynta deegaanno badan, oo Koonfurta iyo bartamaha ku yaalla tan iyo 2011-dii, balse Kooxda waxay wali ku sugan tahay qeybo kamid ah dalka, oo ay kasoo abaabusho weerarada ka dhanka ah dowladda iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM