Somalia: Xubno loo soo magacaabay gobolka Banaadir

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdishu Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta magacaabay Gudoomiye ku-xigeeno iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulkiisa cusub.

Degreeto kasoo baxday Xafiiska Mudane Taabit ayaa lagu magacaabo Afar Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay kamid yihiin Labo haween ah.

Isbedelka uu sameeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka dambeeyay wadatashiyo uu la sameeyay labadii todobaad ee lasoo dhaafay Odayaasha dhaqanka gobolka iyo wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Farax Saciid (Juxa).

Waxaa la magacaabay :-

1- Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh Cabduqaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Saalax Sheekh Maxamed.

3- Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay Cabdullaahi Xaaji Erig.

4- Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay Aadan Sheekh Cali.

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Wararar ayaa sheegay in Gudoomiye Thaabit uu qorsheynayo inuu xilalka ka qaado qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo xilka soo hayay tan iyo 2014 xilligii mamaulkii Muungaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM