​Somalia: Xukuumadda oo tacsi ka dirtay geerida Goobaale

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Somaliyeed Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale.

Cumar Cabdirashiid, ayaa tacsi u direy qoysaskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

Wuxuu ku tilmaamay halyay Qaran oo dalka kaalin muhiim ah ugu jiray isagoo ILLAAHAY uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM