Somaliland oo diiddey inay qaabisho qaxootiga ka imaanaya Yemen

Image

May 24, 2015 (GO)- Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay joojisay qaxoontiga ka soo qaxaya dalka Yemen ee soo galaya Somaliland, iyadoo sabab uga dhigtay laba arimood oo kala ah  dhinaca nabad galyada iyo in hayadihii arimaha qaxoontiga ka shaqynayay ay diideen in ay dadka u dhashay Somalia u aqoonsadaan qaxoonti,

Hadalkan waxaa maanta hargeysa kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade .

Shir jaraaid oo ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidoo kale uu ku sheegay in qaxoontiga hore u joogay ay taakulayn doonaan si ay u gaaraan dalalkoodii.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland gaaray qaxooti gaaraya 3,000 oo qof oo ka soo cararay dalka Yemen.

Xigasho: VOA

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM