Somaliland oo ka carootay eray loo adeegsaday wadahadalka DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Somaliland ayaa waxay ku dhaleeceysay hogaamiyaha xisbiga Waddani, Caabdiraxmaan Cirro, in uu ereyga 'dib-u-heshiisiin' u adeegsaday wada-hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Saleebaan Koore, wasiirka warfaafinta xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddoomiye Cirro wuxuu ku eedeeyay "in uu u bareeray in uu xaqiro qaranimadda Somaliland".

"Waxaa ayaan darro ah in Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu u bareeray inuu  xaqiro Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya ku tilmaamay kuwo dib u-heshiiseed, taasi oo fajiciso ku noqotay shacab iyo Xukuumadba," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Hadalka Guddoomiye Cirro waa khiyaamo qaran iyo jariimad uu ka galay dawladnimada soddon jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku naalloonayso, mana aha markii ugu horraysay ee wuxuu ku caan-baxay inaanu xusaska 18ka May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland aanu waligii ka qaybgalay xusaska munaasibadaas markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa iyo imika oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI".

"Hadalkiisani wuxuu daliil u yahay tuhunno hore oo shacbigu ka qabay inuu xidhiidh iyo gacan-saar hoose la leeyahay Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen xubno ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu ugu dambeeyey Cabdilaahi Daamur," ayuu kusoo xiray.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-kii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee dunida waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumada Muqdisho.

Wadahadalo hogaamiyeyaasha labada dhinac dhexmaray ayaa natiijo la'aan kusoo dhamaadey dhowr jeer iyada oo markii ugu dambeysay ay marti-gelisay Jabuuti hase ahaatee kama soo bixin natiijo horseeday midow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM