Somaliland oo ka laabatey go'aankii ay dib ugu celisey qaxootiga

Image

May 30, 2015 (GO)- Somaliland ayaa ka laabatey go'aankii ay May 24, 2015 ku joojisey qaabilaadda qaxootiga kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo shir-jaraa'id ku qabtey Hargeysa ayaa sheegey in Somaliland ka noqotey go'aankii ay horay u qaadatey ee ahaa inaysan qaabili doonin qaxootiga.

"markaan xaqiijiney in qaxootigu amni ahaan wax u dhimeyn Somaliland oo aan baaritaan badan sameyney, waxaan garanay inaan ogolaanno soo dhoweynta qaxootiga ka imaanaya Yemen" ayuu yiri.

Cali Siciid raygal ayaa sidoo kale sheegay in hay'adaha UNCHR iyo IOM ballan qaadeen inay Somaliland ka taageeri doonaan qaabilaadda qaxootiga islamarkaana dadkaas gaarsiinayaan gobollada ay ka soo jeedaan. 

Somaliland ayaa cambaareyn xooggan kala kulantey go'aanka ay dib ugu celisey qaxootiga, arrintaasoo dadka Soomaalidu si aad ah uga caroodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM