Somaliland oo ka shaqeynaysa sidii "looga takhalusi lahaa" Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Todobaadkii hore waxaa magaaladda Nairobi, caasimadda Kenya, ku kulmay gudoomiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya iyo madaxda xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee Somaliland.

Mas'uuliyiinta waaweyn ee shirkaasi kasoo muuqatay waxaa kamid ahaa; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Illo wareedyo u dhow kulanka ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in qodobada shirka looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen xil-haynta Farmaajo iyo xaalada siyaasadeed ee wadanka.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga daryeelka iyo bulshada ee UCID, oo kulankaasi ka warbixiyey ayaa daaha ka rogay "in ay kawada hadleen Warsame sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo".

Mr Waraabe ayaa ku eedeeyay dowladda haatan jirta ee federaalka ah "in ay jabhado ay hogaamiyaan shaqsiyaad caan ah u sameysatay Somaliland, si ay u wiiqaan horumarka iyo nabada halkasi ka jirta".

"Cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaaga," ayuu Faysal yiri, isaga oo u muuqda mid difaacaya isu-imaatinkaasi, wuxuu raaciyey "Si il-baxnimo ah ayaan uga shaqeynaynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo".

Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, oo Faysal uu ka boobay su'aashaasi oo saxaafadu isagu waydiisay ayaa si aan leex-leexad lahayn wuxuu u ayiday erayada culus ee kasoo yeeray Waraabe.

"Inta uu Faysal yiri ayay ku egtahay. Soomaaliya jabhado hubeysan oo rag la garanayo ku jiraan ayuu Farmaajo u sameystay Somaliland. Cid dowlada Farmaajo mucaarad ku ah haday Somaliland la kulantay dambi maaha," ayuu xusay.

Hadaladaan kasoo yeeray mas'uuliyiinta Hargeysa ayaa imaanaya xili cilaaqaadka Farmaajo iyo maamulka Muuse Biixi uu cirka isku sii shareeray wixii ka dambeeyay dagaalka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxda dowlada federaalka ayaa xaqiijiyey in labada madaxweyne ay xiriir wanaagsan lahaayeen kahor shaqaaqadaasi balse haatan uu hoos u dhac ku yimid, innkasta oo ay rajo ka muujyeen in xal la helo.

Tani ayaa caqabad ku noqotay in dib loo bilaabo wadahadalkii la filayey in uu u bilowday labada dhinac kaasi oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana lagu eedeeyay darafyada in aysan daacad ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM