Somaliland oo kahor timid magacaabista Yuusuf Garaad

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland oo qaadacdey magacaabida Yuusuf Garaad ayaa ku tilmaamtay "dagaal siyaasadeed oo lagu qaadey" ololaheeda baadigoobka gooni-u-goosashadda.

Wasaaradda arrimaha dibada maamulka Hargeysa ayaa ku wargelisay Beesha Caalamka in aysan aqoonsaneyn Yuusuf Garaad oo laga dhigay Ergayga Soomaaliya ee Isbaheysi Sacuudigu dhisay.

Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa Arbacadii waxaa loo magacaabay Ergayga Soomaaliya ee Geeska Afrika, Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed.

"Sidda ku cad khariiradda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyay xuduudihii gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh gacanka cadeed," ayaa lagu yiri bayaankan nuqul kamid ah uu arkay bogga GO.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa kamid ah Isbaheysiga. Balse waxay dooneysaa in ciidankeedu ka howlgalaan biyaha Soomaaliya iyo Eritrea ayna maamusho dekadaha Soomaaliya.

Dhanka kale, qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan jirin wakiilo ku metela baarlamaanka Soomaaliya. Tani waxay timid iyaddoo doorasho soo dhow-dahay.

Kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu muransan yahay waxaana madaxda waqtiga kasii dhacayo doonayaan in ay u maamulaan si danahooda ku jirto.

War-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM