Soomaali badan oo laga soo tarxiilay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan 70 qof oo Soomaali ah ayaa Jimcihii laga masaafuriyay dalka Mareykanka kadib markii ay ku fashilmeen dacwad magan-galyo doon ah oo ay u gudbiyeen waaxda socdaalka.

Madaxweyne Donald Trump, oo lagu wado inuu xilka ku wareejiyo Joe Biden 20-ka Janaayo, ayaa soo rogay sharciyo adag oo ku saabsan soogalootiga, tallaabadaas oo nolosha ku adkeysay malaayiin qaxooti ah oo ku nool Mareykanka, dadka madowga ah iyo Latinos-ka.

Siyaasadda arrimaha dibedda ee Trump ayaa sidoo kale dhowr jeer su'aal la geliyey, taas oo sababtay in shaki la geliyo in uu xafiiska u qalmo. Intii uu maamulkiisa ku jiray, labo jeer ayaa xilka laga xayuubiyay, iyadoo markii ugu dambeysay ay ahayd Asbuucii la soo dhaafay.

Jimcihii, 70-ka qof ee Soomaalida ah, oo qaarkood ku noolaa Mareykanka in ka badan soddon sano, ayaa lagu soo daabulay diyaarad waxaana lagu amray inay dalkooda dib ugu laabtaan. Badankooda, lama siin fursad ay kusoo uruursadaan wixii hanti ah oo ay sameysteen mudadaas.

Diyaarada siday Soomaalida ayaa ka ambabaxday Louisiana Jimcihii waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidda ay qortay warbaahinta Mareykanka. Masaafurintooda waxaa loo cuskaday in ay ka galeen Mareykanka dhanka Mexico, waliba qaab sharci darro ah.

Madaxweyne Trump wuxuu dhowr jeer ku eedeeyey Mexico in ay ka faa'iideysaneyso xiriirka laba geesoodka ah isla markaana ay jebisay xeerarka xuduudaha. Tan awgeeda, madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka wuxuu bilaabay inuu darbi ka dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico taasoo kor u qaadday culeysta qaxootiga doonaya USA.

Sannadkii 2017, waxyar kadib markii uu Trump xafiiska la wareegay, illaa 275 qof oo Soomaali ah ayaa laga masaafuriyey Mareykanka, waxaana dib loogu celiyey dalkooda, halkaasoo ay markii hore uga soo carareen colaadda. Soomaaliya waxay la daalaadhaceysaa xal u helida xasillooni darro dhanka siyaasadda iyo mid amni muddo ku dhow soddon sano.

Soomaali badan ayaa qaxooti ahaan ugu nool dunida dacaladeeda iyadoo inta badan meelaha ay degan ay yihiin Kenya, Canada, US, Britain, Norway, iyo xitaa Australia.

Wadanka Soomaaliya si tartiib tartiib ah ayay noloshiisa u soo wanaagsanaaneysaa balse is-qabqabsiga siyaasadeed ee joogtada ah iyo qatarta Al-Shabaab ayaa burburineysa riyo kasta oo ku saabsan soo kabashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Xarunta Maamo Ugaaso iyo SWDC

Maamo Uagaaso ayaa ugu mahadcelisay deeqda lacageed ee Hormuud ay ku taakuleneyso xaruntaan.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 12:04PM