Soomaali lacag "looga dhex-xadey" xabsi ku yaala Malta
VALLETTA, Malta - Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Muuse Cigaale ayaa sheegay lacag dhan 11-kun doolar waxaa looga dhex-dhexdey xabsi ku yaala dalka Malta, sida ay warisay majaladda Times of Malta.
Sida laga soo xigtay warbixinta, Cigaale ayaa lacagtaas wuxuu kalkii hore u dhiibay askari kamid ahaa ilaalada kadib markii laga soo qabtey garoonka isaga oo sita aduun dhan 186-kun doolarka Mareykanka ah.
Sharciga Malta ee maamulka lacagta wuxuu u ogolaanayaa dadka ay kaliya ogolaanshiyo la'aan ku sidan karaan waddankaas aduun dhan 11-kun doolar. Lacagta kale waa lagala wareegay si loogu sameeyo baaris.
Cigaale oo loo maleynayo in uu ganacsade yahay ayaa qabsadey qareeno kuwaasoo dacwad u gudbiyey maxkamad. Balse, wuxuu hadda goobayaa lacagta 11-kun doolar ee la siiyey inta baaritaanka uu ku socdo.
Booliska xabsiga geeyay ayaa u sheegay maxkamada in Cigaale uu lacagta sitay markii jeelka loo dhaadhicinayey isaga oo meesha ka saarey in suurtagal ay tahay in baqshada uu kaga degay gaariga dhexdiisa.
"Cigaale wuxuu sheegay in uu garanayo sarkaalka xabsiga ee lacagta kaashka ah uu u dhiibay uuna sheegi karo magaciisa. Kadib wuxuu gudbiyay warbixin booliis oo ku saabsan lacagta caddaanka ah ee ka maqan," ayuu boggu raaciyey.
Baareyaal loo diray qolka uu xabsiga kaga jiray, guriga iyo mehrada Cigaale ayaa soo helay dhar iyo boorso ay ku jirto 10-kun doolar. Maxkamada ayaa la filayaa in ay xukun kasoo saarto dalab damaanad kusii deyn ah.
Malta ayaa kamid ah wadamada qaarada Yurub ee ay ku badan tahay Soomaalida qaxootiga kusii galeysa mandiqada. Sidoo kale, waxaa ku dhaqan muwaadiniin kale oo isugu jira qaar degan iyo shaqsiyaad kale oo ka ganacsadda.
GAROWE ONLINE