Soomaali laga soo bad-baadiyay Qowmiyadda Oromada
JIGJIGA, DDSI- Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa ka hadlay dedaalo uu sheegay inay wadaan ciidamada Booliiska DDSI, kadib rabshado ka dhacay deegaanka Hawadaay oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Qowmiyadda Oromada.
Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo shalay ka hadlay goob aas qaran loogu samaynayay qayb kamid ah Soomaalidii lagu laayay deegaankaas ayaa tacsi u diray dhammaan intii ku geeriyooday dhibkaas, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Liyuu Booliisku ay wadaan dedaalo looga hortago iyo shacabka kale oo Soomaali ah dhib soo gaarto.
Iley ayaa carrabka ku dhuftay in ciidamadaas ku guulaysteen soo daynta in kabadan 300 ruux oo ku sugnaa deegaanka Hawadaay kuwaasoo qarka u saarnaa inay laayaan Qowmiyadda Oromada.
Hadalkan oo Madaxweyne Iley ka sheegay magaalada Jigjiga oo lagu aasay dad gaaraya 28 qof ayaa kusoo aaday xilli ay kacsantahay xiisadda ka dhaxaysa labada dhinac.
DDSI ayaa ku dhawaaqday saddex bari oo Baroordiiq ah si loogu murugoodo dadkii lagu laayay deegaankaas.
Lama oga ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay isku dhaca labada dhinac, balse qof kamid ah shacabka naftooda kala soo cararay mashaqadaas oo hadda ku sugan Jigjiga ayaa BBC-da u sheegay, “anaga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa waxaa nasoo weeraray ciidamada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hubeysan, inankii oo markaas suuliga aaday ayay ku dageen, inagiina markaan aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay ciidammada militariga," Ayuu yiri Axmed Maxamuud Ciise oo walaalkiisa isagoo arkaya lagu dilay deegaanka Hawadaay halkaasoo muddo ka badan 20 sano uu arrimo ganacsi u jooga, wuxuuna wacad ku maray inuusan waligiis ku laaban doonin.
Wuxuu intaas ku daray inuu Indhahiisa saaray 50 qof oo Soomaali ah kuwaasoo si arxan darro ah loogu dilay deegaanka Hawadaay.
Labada dhinac ayaa wali midba midka kale ku eedaynayaa mas’uuliyadda dhacdadaas lagu laayay Soomaali badan, waxaana afhayeen u hadlay Qowmiyadda Oromada oo lagu magacaabo Adisu Arega uu BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo 12 kaliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin.
Adisu, ayaa intaas ku daray in falkan yimid kadib ciidamada Liyuu Booliisku ay qafaasheen Saraakiil Oromo ah kadibna la dilay. Eedayntaas waxaa diiday maamulka Soomaalida Ethiopia oo tilmaamay in Qomiyadda Oromada oo ay weheliyaan ciidamo si aan kala sooc u lahayn dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Shacabka labada dhinac ayaa ee ku kala sugan Dibadda ayaa baaqyo nabadeed u diray dadka dagaallamaya.
GAROWEONLINE