Soomaali lagu helay maalgelinta Al-Shabaab oo lasoo musaafuriyey

Image

WASHINGTON, US – Hay’adda socdaalka Mareykanka ayaa sheegtay in Khamiistii ay u soo musaafurisay Soomaaliya eedeysane 2016-kii loo maxkamadeeyay in uu maalgelin jiray kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Mahdi Maxamed Xaashi oo 31-sano jir ah isla markaana diyaarad gaara looga soo qaadey magaalada ay ku dhowaad sadexda milyan qof ku nool yihiin ee Chicago ayaa loo dhiibay mas'uuliyiinta ammaanka Muqdisho.

Thomas Feeley, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Chicago, ayaa tilmaamay in musaafurinta dambiileyaasha ay baajineyso dhacdooyin kale.

"Howlgalkeenu wuxuu daaran yahay in ay tarxiilno dhamaan shaqsiyaadka halista ku ah dadkeena," ayuu ku yiri qoraal kasoo baxay Hay'adda.

Sidda ay muujinayaan warbixinada, intii u dhaxeysay April 2008 illaa August 2012, Xaashi ayaa xubin ka ahaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sanadkii 2012-kii ayaa lagu waramay in loo dhoofiyey Mareykanka si loogu maxkamadeeyo Degmada Bariga ee gobolka New York.

Xaashi ayaa laga soo wariyey qiraal ku aadan in uu Al-Shabaab ku taageeri jiray agab. Janaayo, 29-keeda, 2016 ayaa lagu xukumay 9-sano oo xabsi ah, waxaana xeer-beegtadu fartay in guud ahaan laga saaro Mareykanka.

Markii laga soo daayey xabsiga federaalka ee magaalada Leavenworth ee ismaamulka Washington, Xaashi waxaa April, 2020 la dhigay saldhig ay maamusho Hay'adda Socdaalka halkaasoo tan iyo tarxiilistiisa uu joogay.

Tan iyo 2009-kii, Mareykanka waxaa laga soo musaafuriyey 3,700 oo ay ku jiraan qaar Soomaali ah, waxaana intooda badan loo maxkamadeeyay fal-dambiyeedo ay kamid yihiin dil, tuuganimo iyo ganacsiga maandooriyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM