Soomaali la toogtey oo lala xiriiriyey dilka lamaane

Image

CANBERRA, Australia – Hay'addaha ammaanka Australia ayaa sheegay in uu jiro "xiriir toos ah" oo ka dhaxeeya dil gurigooda loogu geystay lamaane iyo toogashada ay booliska dalkaas kula kaceen wiil Soomaali ah.

Lamaanaha oo lagu kala magacaabo Maurice iyo Zoe ayaa todobaadkii hore waxaa lagu dhex-khaarijiyey gurigooda dhaca koonfurta magaaladda Brisbane, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee waddankaas.

Raage Cabdi, oo ah 22-jir asalkiisu yahay Soomaali, ayaa dhankiisa waxay bileyska toogteen aroornimadii Khamiista asbuuci hore ka gedaal markii "uu u hogaan-sami waayey" amarka ciidamadda ee ahaa in uu istaago.

Sidda ku xusan warbixinta booliska oo khaarjinta lamaaha ku tilmaamtay in ay tahay "fal argagixisanimo," Cabdi ayaa watay Toorey [Mindi] xilligii toogashada loo geysanayey wuxuuna ku lugeynayey waddo laami ah.

Taliye ku xigeenka booliska federaalka Australia, Tracy Linford oo sheegay in baaritaano kuwadaa xiriirka ka dhaxeeya labada kiis, ayaa sheegay in natiijooyin horudhac ah tusinayaan in "cilaaqaadka uu yahay mid toos ah".

Linford oo carabka ku dhuftay in guriga dilku ka dhacay ay kasoo heleen agab uu leeyahay Raage Cabdi ayaa ka dhawaajiyey in muuqaalka jirkiisa ay la wadaagi doonan qoyskiisa marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka socda.

Ali Kadri, oo ah afhayeen u hadlay qoyska Raage Cabdi, ayaa sheegay in eedeymaha la xiriira argagixisanimada ay yihiin "kuwa lagu deg-degay" isaga oo cuskaday in aysan jirin caddeymo lagu kalsoonaan karo oo la hayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay qoyska laamaanaha la dilay ayaa lagu ammaanay Maurice iyo Zoe, waxaana lagu qeexay in ay la tacaalayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatadda maskaxeed ee kasoo gaartey falkaas.

Latuhunsanaha Raage Cabdi oo qareenkiisu sheegay in dhibaato maskaxeed soo wajahdey kalyeentigiisa ayaa 2019 waxaa laga hor istaagay safar uu Soomaaliya ku tagi lahaa sababo ku aadan in looga shakiyey Daacishnimo.

Bishii September ee sanadkaas ayaa lagu sii daayey damaanad iyadda oo bilooyin kadib laga saarey liiska shaqsiyaadka ay dabagalka ku hayso Hay'adda Sirdoonka Australia taas oo hubineysay guud ahaan xaalka dhaqdhaqaaqiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM