Soomaaliya: 4 Cisho kadib Suuqa Galkacyo oo dib loo furay

Image

GALKACYO, Puntland- Afar cisho kadib waxaa maanta si toos ah loo furay suuq magaalada Galkacyo kadib markii uu u xirmay rabshado dhex-maray ganacsato kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Shir Saxaafadeed si wada-jira ah u qabteen mas'uuliyiinta Galkacyo iyo gobolka Mudug ee labada maamul, waxay ku sheegeen inay ku heshiiyeen saddex qodob oo kala ah; In la kala qaado ciidamada, In ciida la kala qaado iyo in Suuqa dib loo furo.

Madaxda Degmada Galkacyo ee Puntland iyo Galmudug, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada islamarkaana u midoobaan oo u wada-shaqeeyaan qaabka labada maamul isu kaashanayaan.

"Halkan waxaan u nimid saddex qodob oo kala ah; In ciidamada la kala qaado, in ciida la kala qaado iyo ganacsiga dib loo furo, saddexdaas arrimood waa no hagaageen, ciidamadii waa la kala qaaday marka laga reebo waardiyaasha bakhaarada, ciidii sidoo kale, ganacsigii wixii hadda ka dambeeya waa farunyahay," sidaas waxa yiri duqa Galkacyo ee dhinaca Galmudug.

Waxay xuseen in saddexdii bari ee lasoo dhaafay ay ka shaqaynayeen sidii loo furi lahaa suuqana loona soo afjari lahaa xiisada ka taagan Suuqa.

"Waxaan qirayaa intii shaqaaqadan socotay in labada maamul isku si ka ahaayeen dhinaca wada-shaqaynta, inay isku meel ka taagnaayeen inay caqabadaha isla xalinayeen, taasina waxay baajisay xagaa bixii Galkacyo lagu yaqaanay," ayuu yiri duqa Galkacyo ee dhinaca Puntland.

Guddoomiyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa carrabka ku dhuftay in cid kasta ay jeceshahay nabdda balse ay jiraan shakhsiyaad kooban oo ka shaqaynaya amni darrada gobolka Mudug, waxayna soo jeediyeenin loo istaago sidii dadkaas meel looga soo wada jeesan lahaa.

Waxay intaas ku dareen in maanta la joogo heer ka wanaagsan kii shalay, waxayna tilmaameen in Ganacsatadu ahayd kuwii ka shaqayn jiray nabadda, hadana looga baahanyahay inay meeshoodii kasii wadaan hormarka.

23-kii bishan ayay ahayd markii mallayshiyaad taabacsan ganacsato kasoo jeeda labada dhinac ky dagaallameen suuq ku yaalla halka loo yaqaano Cir-toogtaha kadib markii dhinacyadaas ay ku mur-murmeen Bakhaaro ay ku ganacsan jireen. Isku dhacaas waxaa ku dhintay 2 qof oo mid kamid ah ahaa ciidamada isku dhafka booliiska magaalada Galkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM