Soomaaliya: 80 Sarkaal oo ka tirsan NISA oo la eryay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqadda ka ceyrisay ku dhawaad 80 sarkaal oo ka tirsanaa Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee [NISA], sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online.

Saraakiishaan ayaa waxay yihiin kuwa dhawaan tababar loosoo xiray, islamarkaana kasoo qalin-jabiyay Dugsiga Tababarka ee Nuur Shibo, oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Sida uu fahansan yahay Warsidaha Garowe Online, sababta loo eryay saraakiisha tirada badan, ayaa waxay tahay in loo waayay qalab ciidan oo ay ku howlgalaan, oo ugu horeeya Qoryaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ceyrinta saraakiishaan oo dhacday maanta oo Isniin ah ay sababtay in Ciidamada ay ku hor-banaan baxaan afaafka Aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya, iyagoo codsanaya in shaqadda lagu soo celiyo.

"Waxaa tababar qaadanay muddo ka badan 5 bilood. Markii aan dhameysanay, waxaa noola sheegay in qalabkeena nala siin doono. Laakiin, mas'uul ayaa noo yimid, oo nagu wargeliyay inay guryaheena iska aadno," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Talaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Jahwareer uu ka taagan yahay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, taasoo ka dambeysay markii la jabsaday Xafiiska ku xigeenka Agaasimaha guud ee NISA.

Wararka ayaa sheegaya in la la'yahay Dukumiintiyo muhiim ah, islamarkaana ku jiray gudaha Xafiiska la jabsaday, inkastoo aanan si dhab ah loo ogayn cidda ka dambeysa amarka lagu weeraray xafiiska iyo waxa ay yihiin Waraaqadaha maqan.

"Waxaan u haysanay in NISA ay tahay Hay'adda ugu wanaagsan dalka, laakiin waxaa noo cadaatay inay tahay midda ugu musuq-maasuqa badan," mid kamid ah saraakiisha maanta ku hor-banaan baxday Villa Soomaaliya ayaa sidaas u sheegay warbaahinta.

Talaabadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda amaan ee magaaladda Muqdisho ay hadda tahay mid aan cago badan ku taagneyn, islamarkaana ay dhacayaan falal liddi ku ah amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM