Soomaaliya: Buuq hareeyay fadhi baarlamaan oo shaki dhaliyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii Golaha Shacabka baarlamaanka waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya oo mucaaradka shakiga geliyey sheegayna in la doonayey in muddo kordhin loogu sameeyo maamulka Farmaajo ayaa kusoo dhamaadey buuq.

Fadhigan uu shalay iclaamiyey guddoonka Aqalka Hoose ayaa ajandaha lagu sheegay "Caabuqa Covid-19" balse Xildhibaano ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafidka oo qoraalo kala duwan ka faafiyey waxay sarre u qaadey tuhunka hareeyay kulankan.

Xildhibaanadda muxaafidkan ayaaa warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho u sheegay in ay kororsi u sameynayaan Farmaajo.

Sharci-dejiyeyaasha mucaaradka ayaa dhankooda waxay bilaabeen olole ay uga hortagayaan qorshehaas oo Madaxtooyadda Soomaaliya ay ku fekereyso "haddii Farmaajo guuldaro kala soo hoydo shirka maamulada".

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka baarlamaanka ay Villa Soomaaliya dooneysay in ay hoos ugu dhigto hadalheynta shirka maanta u bilowday madaxda maamuladda.

"Rafashadii ugu dambeysay"

Xildhibaan Xasan Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta Golaha Shacabka, ayaa isku dayga fashilmay ee muddo kororsiga wuxuu ku sifeeyay "rafashadii ugu dambeysay ee Farmaajo".

Baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaanan gaari karin qaraaro masiiri ah maadaama muddo xileedkooda uu dhamaadey 27-dii December, 2020.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayuu cod dheer uga digay in uusan "cimri u dheereynta Farmaajo ku lumin sumcadda yar ee u hartay' isla markaana dalka "uusan u horseedin qalalaase".

"Tiket ha u jaran flim waqtigiisa dhamaadey"

Mahad Salaad, sharci-dejiye kale oo ka tirsan Golaha Shacabka oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa ku tartarsiiyey guddoonka Aqalka Hoose in ay ka waantoobaan qorshaha ay doonayaan in ay waqtiga ugu kordhiyaan Farmaajo.

"Guddoonka waa in uusan Tiket u jaran flim waqtigiisa uu dhamaadey," ayuu ku daray, isaga oo intaas ku daray in baarlamaanka lagu daadiyey ciidamo dharcad ah oo daacad u ah taliyaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xildhibaan Maxamed Cali Caanonuug ayaa sheegay in madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtiga ka dhamaadey isla markaana qaabka kaliya ee waddanka uga badbaadi karo qalalaase ay tahay in doorasho loo dareero.

Mudaneyaasha taageersan Villa Soomaaliya ee kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay caqabad ku yihiin qabashada doorashadda isla markaana Madaxtooyaddu diyaar u tahay qabashadda doorashooyin heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM