Soomaaliya: Dib u dhac ku yimid Doorashada Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Doorashdda maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dhawaaqay iny dib uga dhacday waqtigii horey loogu mudeeyay oo ahayd 17-da bishaan November, oo ay maalmood naga xigto.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka dowlad goboleedkan oo maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay dhaceyso coddeynta 28-ka bishaan.

"Waqtigii horey loogu mudeeyay codbixinta oo ahayd 17-ka, waxaa lasoo buuxin doonaa xubnaha ka harsan Guddiga doorashada," ayey sheegeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in dib u dhigista ay timid ka gedaal markii ay kulmeen sii haya xilka Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Gollah Wakiilada, Cabduqaadir Maye, Murashaxiinta iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Maye ayaa fahfaahinta uu warsidaha Garowe Online helayo waxay sheegeysaa inuu ku mashquulsan yahay soo buuxinta booska ay baneeyeen 15-ka xubnood ee ka tegtay shaqadda Guddig doorashada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ayaa ka saxiixatay Shariif Xasan Aadan, oo xilka iska casilay kana haray tartanka horaantii bishaan, inay maamusho doorashada xili Villa Somalia lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso.

Dib u dhitaanka ayaa si lamid ah waxay kusoo aadaysaa xili maanta ay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay joojiyeen kulan lagu taageeri lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow oo caasimad goboleedka Bay ka qabsoomi lahaa.

Murashaxiinta ay dowladdu wadato iyo kuwa kale wali kama aysan hadlin dib u dhigista doorashadda, oo sanad ka xamaasad badan kuwii hore, maadaama siyaasado badan oo iska soo horjeeda ay ku hareeraysan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM