​Soomaaliya: Diyaarad lagu soo riday Garoonka Xudur

Image

XUDUR, Soomaaliya - Diyaaradda nooca xamuulka ah, oo siday Maandooriyaha Qaadka ayaa maanta oo sabtida ah lagu rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Askari katirsan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xudur, ayaa lagu soo waramayaa inuu rasaas ku furey Diyaaradda, kadib markii ay isku dayday inay duusho, iyadoo aan dejin rarkii Qaadka saarnaa.

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Askariga uu cagaha ka toogtay Diyaaradda markii ay ka dhega-adeegtay amar ahaa inaysan duulin, iyadoo aan dhigin Qaadka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda ay ku dhacday xaafad ku dhaw Garoonka, balse aan wali la ogeyn khasaaraha kasoo gaarey dadkii la socday, iyo shaqaalaheeda.

Lama oga sababta Askariga u rasaaseeyay Diyaaradda.

Garoonka waxaa kuwada sugan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM, oo baaritaan kuu sameynaya dhacdadan lagu rasaaseeyay Diyaaradda Qaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM