Soomaaliya: Faah-faahin weerarka hotel Naaso-hablood 2
MUQDISHO, Soomaaliya- Wali dablay hubaysan ayaa ku dhex- jirta gudaha hotelka Naaso-hablood 2 oo wax k yar 600 mitir u jira xarunta madaxtooyada dowladda Soomaaliya, kaasoo galabta lagu weeraray baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Rag hubaysan oo lagu qiyaasay ilaa saddex ayaa gudaha ka dhex dagaallamaya kuwaasoo sidoo kale dilal u gaysanaya dadkii deganaa hotelka.
Hotelkan oo la sheegay inuu leeyahay wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow, waxaa deganaa mas'uuliyiin katirsanaa dowladda, kuwo ka yimid maamullada dalka oo ka qayb gali lahaa shirka barri dhacaya iyo dad shacab ah, maadama uu ku yaallo goob aad loo ilaaliyo.
Wararka uu helayo Garowe Online waxay sheegayaan in tirada dhimashadu sii cagacagaynayso 27 qof oo isugu jira mas'uuliyiin iyo dad rayid ah, halka dhaawacu uu gaarayo 46 qof.
Gurmad xoog leh ayaa socda waxaana heegan ku jira gawaarida Ambalasta loo yaqaano oo dhaawacyada iyo maydadka qaadaya.
Inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta hadana waxaa laga cabsi qabaa in tiradu intaas kasii kororto maadama wali uu socdo dagaalku islamarkaana dablayda hubaysan ay qur goynayso dadka ku jira gudaha ee isugu jira shacabka iyo mas'uuliyiinta.
"Howlgal ayaa socda walina gudaha dablay ayaa ku jirta oo bambaanooyin isticmaalaysa laakiin ciidamada dowladda ayaa ku hareeraysan oo doonaya inay soo bad-baadiyaan dadka ku jira hotelka," Sidaas waxaa GO sarkaal katirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan nawaaxiga goobta la weeraray kaasoo magaciisa uga gaabsaday sababo amni.
Dadka gudaha lagu dhex dilay waxaa kamid ah wasiirkii arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, hooyo wadatay saddex carruur ah, halka dhimashadooda la xaqiijiyay mas'uuliyiin ay kamid yihiin; Korneel Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax), oo aha Taliyahii ciidamada Booliska degmada Deyniile, Zakariye Maxamuud Ciise, oo ahaa la taliye katirsan Wasaaradda amniga iyo Xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane, oo hadda kamid ahaa Gudiga taakuleynta ciidanka qaranka.
Al Shabaab ayaa mas'uuliyiinta qaraxan sheegatay, waxaana afhayeenkooda lagu magacaabo Abuu Muscab uu faafiyay inay weerarkaas ay ku dileen saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya.
"Waxaan beegsanay wasiiro iyo saraakiil ku sugnaa hotelka dhexdiisa, anaga ayaa gudaha ka dagaalamayna," waxaa sidaas yiri Abu Muscab.
Dadka ugu badan ee qaraxa ku dhintay ayaa ah shacab ku sugnaa meherad galabtii lagu nasto iyo ciidamo katirsan Booliiska.
Ilaa hadda dowladda Soomaaliya kama hadlin khasaaraha weerarka marka laga reebo tacsi ay direen, xilli bari Muqdisho uu ka furmi lahaa shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah, kaasoo looga hadlayo khilaafka ka dhex taagan dhinacyadaas.
Dhacdadan ayaa kusoo aaday Labo Asbuuc kadib markii qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu dilay 358 ruux, sidoo kale ilaa hadda la la'yahay 56 ruux kuwaasoo loo malaynayo inay ku geeriyoodeen masiibadaas. Al Shabaab ma sheegan weerarkaas balse waxaa la aaminsanyahay inay ka dambeeyeen.
Weerarada kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sii kordhaya muddooyinkiin dambe xilli dalkan la dhibaatoonaya colaado sokeeye ay ku suganyihiin 22,000 oo ciidamo nabad ilaalin ka socda Midowga Africa.
Sannadkii hore 2016 waxaa Soomaaliya ka dhacay 395 qarax, waxaana ku geeriyooday 723 sida aan kasoo xiganay warbixin la baahiyay sannadkan horaantiisii kasoo kasoo baxay machad fadhigiisu yahay magaalada Nairobi (Sahan).
GAROWE ONLINE