Soomaaliya: Farmaajo oo booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil katirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qarax shalay dhacay isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa fariin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo xirfadlayaasha caafimaadka isagoo ka codsaday inay bad-baadiyaan umadda dhiban ee ku sugan caasumadda Soomaaliya gaar ahaa kuwii ku waxyeelloobay weerarkii shalay.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.” ayaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

Ololaha dhiig shubista ayaa ilaa xalay ka socday Muqdisho, waxaana buux dhaafay goobaha caafimaadka oo lasoo gaarsiiyay ku dhawaad 150 qof kuwaasoo dhibane u ah weerarkii shalay.

Lama oga tirada ah dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho, balse waxaa ilaa hadda la hayaa maydka in ka badan 30 qof.

Dhinaca kale, waxaa goobaha caafimaadka la dhigay dad badan oo ilaa hadda aysan u imaan eheladooda kuwaasoo magacyadoo laga naadiyay baraha bulshada.

Waa qaraxii ugu xooganaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo Sideed bilood ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Howlgallada Midowga Afrika ayaa noqday ku fashil ah oo aan kasoo bixin natiijo wanaagsan, maadaama Al-Shabaab wali awood leedahay.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 12:55PM