​Soomaaliya: Gaas “Dowladdaan ku tacabnay dullaan kuma nihin”

Image

KISMAAYO, Soomaliya- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay shirka ka soconaya Kismaayo, ayaa sheegay in kulankaasi uu  yahay mid dastuuriya oo ay ahayd marhore in la qabto.

Gaas wuuxuu sheegay in aanay wax cusub ahayn in dawlalddaha xubnaha ka ah dawladda fadaraalka Soomaaliya isu yimaadaan oo ay ka tashtaan masiirkooda iyo kan ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay in taas uu ogolaanayo fadaraalisamku ayna tahay wax sharciya oo sax ah.

"Runtii waa nasiib daro inaan u raadino sababayn in laysu yimaado oo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isu yimaadaan, inaan isu nimaadnaa waa dastuuri oo dastuurkay ku qoran tahay, meel-kasta oo aduunka Fadaraalisam ka jiraana waxa ay leeyihiin dawladdaha ka jira dalalkaasi kulamo ay ku midoobaan oo ay isugu yimaadaan, wax qariiba ma aha dawladdaha xubnaha ka ah DFS  marka laga eego waajibaadka awood qaybsiga, masuuliyad qaybsiga  " ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si sax ah loo dhaqan geliyo xeerarka fadaraalisam-ka madaama uu dalka ka jiro nidaamkaas, islamarkaana laga maarmaan tahay in laga tashado wax walba oo qaldan  ee ka yimaada dhinaca DFS ama dawalddaha xubnaha ka ah.

"Sharciga maanta uu dalku ku jiraa ee dastuurka ahi waa Fadaraliisam, waxaan rabnaa waxa noo qoran ee dastuurka noogu qoran in sidii dhabta ahayd loo dhaqangeliyo, waxa jira oo noo qoran iyo mararka qaar-kood waxa ka socda dawladda dhexe runtii wax isle ma aha, in badan waxaan afka ka sheeganeyney inaan fadaraal nahay, laakiin marka la eego sida hab dhaqanku yahay waxa ay keenaysaa in laysu yimaado oo layiraahdo  waxa qaldan waxa ay u baahan yihiin saxitaan" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

"Anaga haddii wax dhiba oo dhankayaga ahi ay jiraan waxaa wacan in laga wada hadlo oo naloo sheego, anana waxa aan hiig-sanayno ama waxa noola muuqda in aanay saxa ahayn  iyo nidaamka dawliga ah ee lagu heshiiyey inaysan ahayd in lasysu yimado oo laga wada hadlaayo mushkilad ma ah" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Gaas isagoo ka hadlay in shirkaas yahay mid lagu carqaladaynayo dowladda dhexe, wuxuu sheegay in xukuumadda Farmaajo tacab badan ku bixiyeen, shido badan laga soo maray islamarkaana ay khalad tahay in loo arko in madaxda maamulladu dullaan ku yihiin dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey masuuliyiinta shirka kala qayb geleysey in loo baahan yahay haddii laysu yimi in shirka laga soo saro qodobo is afgarad, kuwaas oo ku salaysan xaqiiqda, isla markaana loo wada hadlo si dhaba oo diiradda lagu saarayo waaqiciga maanta Soomaaliya ka taagan iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka Daawo Muqaalka Madaxweyne Gaas arrintaas uga hadlayay

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM