Soomaaliya: Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Shir uga furmay Jabuuti

Image
Image
Image

JABUUTI - Hogaamiyaasha Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa wadahadal ay IGAD garwadeen ka tahay uga furmay maanta dalka Jabuuti, kaasi oo wajigiisa hore uu ka dhacay Todobaadkii tagey dalka Kenya.

Madasha Wadahadalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey, hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo dhex-dhexaadiyaasha Ururka IGAD.

Inta uu socda Kulanka, labada dhinac ayaa kawada hadli doono Khilaafka u dhaxeeya, gaar ahaan arrimaha awood-qeybsiga Galmudug, oo Ahlu Sunna ay doonayso inay qeyb ka heshay maamulkaasi.

Urur diimeedkan Ahlu Sunna oo gacanta ku haya deegaano badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh diiday inuu ka qeyb noqdo Shirkii Cadaado awood-qeybiga Galmudug. Halkan ka akhri.

Kahor Caleema-saarkii Madaxweyne Xaaf bishii May ee lasoo dhaafay, hogaamiyaasha Ahlu Sunna ayaa qaadacday inay ka qeybgalaan Gogol nabadeed oo Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Muqdisho.

Mas'uuliyiin ku sugan Shirka ka furmay Jabuuti ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Ahlu Sunna ay miiska soo saareen sharuudo, oo uu kamid yahay in la siiyo kuraas badan Barlamanka Galmudug.

Galmudug horey ayay u diiday in la kordhiyo tirada Xildhibaanada hadda uu ka kooban yahay Baarlamaankeeda, balse ay ogoshay in haya'dda fulinta laga siiyo wasiirro iyo xilal kale, taasi oo Ahlu Sunna ku qanci waysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM