Soomaaliya: Gudi doorasho oo looga dhawaaqay Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug looga dhawaaqay gudi doorasho xilli khilaafka siyaasadeed ee maamulkan uu meel sare gaarey.

Gudigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxaa loo igmaday inuu soo diyaariyo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib markii maalmo kahor Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir.

Go'aankan ayaa waxa uu kasoo baxay xubno Xildhibaano ah oo sheegay inay kamid yihiin Baarlamaanka Galmudug, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno kale oo ku sugan Cadaado, oo iyana sheeganaya inay yihiin kuwa sharciga ah.

Xildhibaanada ku kulmaya Dhuusamareeb ayaa la sheegay inaysan ahayn kuwa saxda ah ee horey loogu doortay Galmudug, balse ay yihiin kuwii Ahlu Sunna, oo wali aan lagu biirin Baarlamaanka maamulkan.

Dhanka kale, Xildhibaanada ku kulmay Dhuusamareeb ayaa waxay ka doodeen mooshin ay sheegeen in laga keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey, kaasoo kamid ah garabka fadhigiisu yahay Cadaado, oo khilaafka kala dhaxeeya Xaaf.

Waxaa shalay Kulan ay Xildhibaano ku yeesheen Cadaado uga dhawaaqeen inay kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, xilli xiisadda siyaasadeed ee Galmudug marayso meeshii ugu xumayd abid.

Warar ayaa sheegaya in Khilaafka Galmudug uu lug ku leeyahay midka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleeyda dalka, kuwaasoo shirkii Kismaayo lagu soo gabagabeeyay 8-dii bishan ku shaaciyay inay xiriirka u jareen Villa Somalia.

Madaxda Galmudug ayaa khilaafkooda kasoo billowday qaabkii loo fulin lagaa heshiiskii Jabuuti, ee IGAD garwadeenka ka ahayd, kaasii dhigaya in labada dhinaca [Galmudug iyo Ahlu Sunna] sameeyaan midow, iskuna biiriyaan baarlamaanadooda iyo ciidanka.

Lama oga halka ay ku biya shuban doonta Xaaladda Galmudug hadda ka taagan iyo Xiisadda u dhaxeysa madaxda maamulkan, oo la dagay khilaafyo tan iyo aas-aaskiisa 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM