Soomaaliya: Howlgal Military oo ka billowday Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa howlgal wadajir ah waxay ka billaabeen deegaano ku yaalla gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Maclin Axmed, oo dhawaan dib loo doortey kadib doorashada ay codeeyeen Gollaha deegaanka ayaa sheegay in aysan suurta-gal ahayn in horumar uu gaaro gobolka inta Al shabaab ay maamulayso deegaanada isku xira degmooyinka.

Wuxuu xusay in Howlgalka billowday uu uu yahay mid la isagu furi doono dhamaan degmooyinka, islamarkana meesha looga saari doono Al shabaab, oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku yihiin nolosha shacabka.

Hadalka Gudoomiyaha wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo dhawaan dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ku dhaw Xudur, oo uu kamid yahay Deegaanka Abal, oo ah meesha ay ku sugan yihiin Malleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur."

Al Shabaab ayaa isku dayaysa inay baabi'iso Kooxda daacada u ah Roobow, oo wararku ay sheegayaan in la hubaysanayo, si ay uga qeyb noqdaan howlgallada lagu sifeynayo gobollada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM