Soomaaliya: Itoobiyaan Lagu Eedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo Maxkamad lasoo taagey
MUQDISHO — Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Axaddii dhegeysatay dacwad ka dhan ah laba muwaadin oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Xeer-ilaaliyeyaasha militariga ayaa sheegay in eedeysanayaasha, Hamza Ibrahim Ali Abuu Irshad iyo Nasri Cabdiraxmaan Cali Abuu Safiya, lagu qabtay howlgal ay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, labada nin waxay ku dhasheen magaalada Harar ee dalka Itoobiya, waxayna si wanaagsan ugu hadlaan afka Soomaaliga.
Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo, tababaro iyo qaabka ay kusoo galeen gudaha Soomaaliya. Waxay codsatay in lagu rido ciqaab ku habboon haddii lagu helo dambiyada lagu soo oogay.
Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo sheegay in aan la hayn caddeymo ku filan oo taageeraya dacwadda. Wuxuu maxkamadda ka codsaday in labada nin dib loogu celiyo Itoobiya si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku hayso doodaha labada dhinac, iyadoo xustay in go’aanka kama dambaysta ah la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo baaritaanka iyo qiimeynta dacwadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo si joogto ah maxkamadaha militariga loo horkeeno dadka lagu tuhmo inay xiriir la leeyihiin kooxda.
GAROWE ONLINE