Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiis ku gaarey Asmara [War-Murtiyeed]

Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa heshiis afar qodob ka kooban kula saxiixday magaalada Asmara dhigiisa wadanka Eritrea, Isaisa Afwerki.

War-Murtiyeedka Heshiiska ayaa lagu sheegay in labada dal ay isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Hehsiiska ayaa lagu saleeyay xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah, iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Eritrea iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: -

1- Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed.

Sidaasi darteed, Eritrea waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2- Soomaaliya iyo Eritrea waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan
lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3- Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4- Eritrea iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo soo afjaro booqashadiisa 3-da maalmood qaadatey ee dalka Eritrea, waxana la filayaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho saacadaha soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM