Soomaaliya iyo Italy oo kala saxiixdey heshiis deyn cafin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Khamiisa maanta ah waxay kala saxiixdeen heshiis qeyb ka ah barnaamijka deyn-cafinta, sidda uu ku dhawaaqay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Bayle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa shaaca ka dhigay in heshiiskan uu si gaar ah u daba-socdo go’aankii dalalka deynta ku leh Soomaaliya loona yqaano Paris Club uga dhaafeen qaantii ay ku lahaayeen.

Sidda laga soo xigtay Bayle, danjiraha xukuumadda Roma u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wuxuu ku gacan-siiyey Dowladda federaalka ah in qalinka lagu duugo heshiiskan oo muhiim u ah dhameystirka deyn cafinta.

"Maanta waxa aan Dowladda Taliyaaniga la saxiixanay heshiis Deyn_Cafin ah oo daba socda go'aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii," ayuu Bayle ku daabacay boggiisa Facebook-ga.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas kusii daray: "Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay saxiixa maanta in oo suurogalay".

Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo qoraal kooban kasoo saartay saxiixa heshiiskan ayaa waxay muujisay in ay si weyn ugu faraxsan tahay.

"Heshiiska deyn-cafinta Soomaaliya iyo Talyaaniga: Waa talaabo muhiim ah oo loo qaadey dhanka dib-u-habeynta iyo horumarka Soomaaliya. Iyo mid mustaqbal wanaagsan u ifineysa dadka Soomaaliya," ayaa kusoo qortay Twitter-ka.

Soomaaliya ayaa haatan mareysa mar-xalad gabogabo ah marka laga hadlo deyn-cafinta. Balse, waxaa wiiqi kara talaabooyinka madaxda waqtiga ka dhacay qaadayaan oo ay kamid tahay ku tagrifalka awoodeed iyo musuqmaasuqa bareerka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM