Soomaaliya iyo Turkiga oo shaaciyey qorshe ay iskaashiga ku xoojinayaan

Image
Image
Image

ANKARA, Turkey – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qorsheynaya in iskaashigooda ay ku xoojiyaan wadashaqeyn dhanka warbaahinta iyo warfaafinta ah, sidda uu ka dhawaajiyey ergayga Ankara u qaabilsan dalkan dhaca Geeska Afrika.

Danjire Mehmet Yilmaz oo la kulmay Cusmaan Obokar Dubbe, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa kala hadlay qodobo arrimahaas khuseeya.

Kadib markii uu kormeeray Istuubiyeyaasha Telefishinka Qaranka, Yilmaz oo sheegay in uu kusoo arkay dhalinyaro mustaqbal fiican leh ayaa rajeeyay in SNTV noqoto isha ugu weyn ee macluumaadka iyo dhaqanka Soomaaliya.

Mr Dubbe ayuu ka dhawaajiyey in ay isla meeldhigeen sidii ay u horumarin lahaayeen xiriirka iyo iskaashiga labada dal si gaar ah warbaahinta iyo xogta.

"Turkiga wuxuu leeyahay wakaalado aad u xoog badan sida [warbaahinta dowladda] TRT waxaanan leenahay shirkado aad u xoog badan oo warbaahinta gaarka loo leeyahay [...] Dhinaca hay'adda dowladda waxaan leenahay Anadolu Agency oo xafiis ku leh Muqdisho," ayuu yiri, isagoo raaciyay: "Aniga waxay u maleynayaa inay jirto awood weyn oo lagu horumarin karo wada shaqeynta hay'adahaas iyo taada."

Diblumaasiga ayaa ku daray: "Waxaan rajeynayaa in toddobaadyada soo socda, oo aan bilooyin ahayn, aan heli doonno natiijooyin wax ku ool ah hay'adahaasna ay isu imaan doonaan kana shaqeyn doonaan mowduucyo gaar ah si loo hagaajiyo xiriirka".

Safiirka ayaa bogaadiyey si guud cilaaqaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Ankara garab taagan tahay Muqdisho.

Dhankiisa, Dubbe ayaa u mahadceliyey Turkiga oo uu sheegay in uu si waxtar leh u saacido Soomaalida. Si lamid ah Yilmaz ayuu ku ammaanay booqashada.

Turkiga oo sanadihii ugu dambeeyay galaangal badan ku dhex-lahaa siyaasadda Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay xoojiyey dhaqdhaqaaqiisa waxaana ugu wacan in uu dhamaad yahay muddo xileedka xukuumadda.

Talaabooyinkaas ayaa kusoo hagaagaya xilli Wargeyska Africa Intel uu bishii October wariyey in Ankara iyo Qadar ay iska kaashanayaa sidii uu u soo laaban lahaa madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Waxuu Madaxweynaha sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee dwladda Puntland

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 09:45AM

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM