Soomaaliya: Kalfadhiga Gollaha Shacabka oo la hakiyay [Dhageyso]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaabada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta u billowday fasax labo bilood ah kadib markii l ahakiyay kalfadhiga 2aad ee Gollaha.

Waxaa xarunta Gollaha Shacabka lagu qabtay kulankii 39aad ee Gollaha Shacabka kaasi oo lagu soo gabagabeynayay Kalfadhiga 2aad, kaasi oo Gudoonka uu kusoo bandhigay waxqabadka Gollaha kulamdii ay yeesheen Xildhibaanada.

Gudoomiyaha ku xigeenka labaad ee Gollaha Mahad Cawad Cabdalla oo hadal ka jeediyay kulanka xiritaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ansixiyeen 3 sharci, 8 qaraar, hal heshiis labo miisaaniyadooda [2017 iyo 2018] iyo labo xisaab-xir 2015 iyo 2016.

Waxa uu sidoo kale Gollaha Shacabka akhrinta 1aad mariyay 17 hindise sharciyeed, iyadoo waxqabdka guud ee Xildhibaanada kalfadhiga 2aad uu yahay 33 waxqabad oo la meel-mariyay.

Xildhibaanada ayaa wixii maanta ka dambeeyay galaya fasax labo bilood ah, waxaana la filayaa inay dib isagu soo laabtaay Kalfadhiga 3aad oo furmi doona bisha Febuary ee sanadkan cusub 2018-ka.

Xiritaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya gudoonada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM