Kenya oo "siyaasadeyneysa" arrimaha bini'aadanimada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si adag u cambaareysay go’aanka dhigeeda Kenya kasoo baxay ee ku aadan in muddo 14 maalmood gudahooda ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ay Soomaalida ku badan ku nool yihiin ee lagu kala magacaabo Dhadhaab iyo Kaakuma.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta, ayaa xusay in uu rumeysan yahay in Nairobi ay siyaasadeyneyso arrimaha bini'aadanimada "markii looga adkaadey dagaalka siyaasadda".

"Xaqiiqadii waxaan dareemaynaa in Kenya ay isku qaldeyso arrimaha siyaasadda iyo bini'aadanimadda," ayuu u sheegay BBC Somali. Wuxuu ku daray: "Haddii lagaaga adkaado ma ahan in aad qaadato go’aan bini'aanimo".

Kiisaska badda ee maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ ay go’aanka kasoo saareyso iyo qadiyada gobolka Gedo ayuu Dubbe la xiriiray go’aanka Kenya ay kasoo saartay xiritaanka xeryahaas iyo tarxiilada Soomaalida ku nool.

Xeerarka caalamiga ah ayuu soo xigtay in a qeexayaan in qaxootiga aan si qasab ah lagu celin karin marka laga reebo qofkii aan si shaqsiya u dooneyn.

"Annaga waxaan diyaar u nahay soo dhaweynta qof kasta oo doonaya in uu dib ugu soo laabto dalkiisa Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya," ayuu intii wareysiga Idaacadda Subaxnimo socday uu ku adkeystay wasiirka.

Mar wax laga waydiiyey dooda Kenya ee ku saabsan in ay xeryahaas u xireyso arrimo amni gaar ahaan in ay gabaad u yihiin maleyshiyaadka Al-Shabaab, wasiir Dubbe ayaa wuxuu is-waydiiyey sababta xalligan kusoo beegay.

"Annaga Khaadka waxaan u joojinay arrimo caafimaad ma aanan siyaasadeyn," ayuu kaga jawaabay su’aal arrintaas la xiriira oo wariyuhu hor-dhigay.

Xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma oo la sheegay in ay yihiin kuwa ugu ballaaran guud ahaan caalamka waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah kuwaasoo waddankooda uga cararay dagaaladda sokeeye, waxaana halkaas ku taageera hay’addo caalami ah oo qaarkood hoostaga Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM