Soomaaliya: Khayre oo sheegey in dalku gali doono xaalad dagaal [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'isal wasaaraha Soomaaliya oo maalintii shaley 19 Oct, 2017 la hadlayey dhalinyaro ka qayb qaadatey gurmadka loo fidinayo dadka waxyeeladu kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ayaa sheegey in dalku gali doono xaalad dagaal maalinta Sabtida ah kadib marka Madaxweyne Farmaajo hortago labada aqal ee Barlamanka.

" Wuxuu u sheegi doono waxaa uu maalintii dhoweyd shacabka Soomaaliyeed u sheegey,wuxuu dhehi doonaa dalka xaalad dagaal ayuu ku jiraa waa inaan nafteena qadinaa, wuxuu dhehi doonaa Barlamanka anigoo madaxweynihii ah ayaa ugu horeeya."

Khayre oo shacbku uga barteen inta uu xilka Ra'isal wasaaraha hayey khudbooyin dhaadheer ee isku wada mid ah ayaa dhalinyaradaan ku guubaabiyey in dalka Soomaaliya sumcadii lagu yaqaaney dib u soo celiyaan.

Hadalka Ra'isal wasaaraha kadib ayaa waxaa saxaafada soo gaarey qoraal Madaxweyne Farmaajo ku ogeysiinayo gudoomiyaasha labada aqalka ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya in uu hortagi doono maalinta Sabtida ah labada aqal ee sharci dajinta Soomaaliya.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa horey iyadoo kooxda Al Shabaab weeraro la beegsadeen dadka shacabka ah ee Muqdisho ugu dhawaaqey xaalad dagaal iyadoo markaan aan la garaneyn sida ay uga duwan tahay midaan hore iyo saameynta sharci ay ay yeelan karto.  

Wadanka Soomalaiya oo u qaybsan maamul goboleedyo ayaan laheyn ciidamo qaran oo tayo leh kuwasoo ku tiirsan tageerada wadamada xoogaga AMISOM dalka ka jogaan.

Dagaal galinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinac kale waxaan cadeyn sida ay uga jawaabi doonaan wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalka reer Galbeedka oo uu Mareykanku ugu horeeyo kuwasoo tageera Villa Soomaaliya ku tiirsan tahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM