​Soomaaliya: Kooxda Roobow iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Dagaal qaraar oo khasaaro badan geestay, ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Xudur, ee xarunta maamulka gobolka Bakool.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Malleeshiyaad taabacsan Mukhtaar Roobow Cali Abu "Mansuur", iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 18KM dhanka Koonfur uga beegan Xudur.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo kaabaya kuwa Mukhtar Roobow, ayaa ka qeyb-qaatey dagaalka, kaaasi oo lagu dilay 5 dagaalyahan, oo katirsan Al shabaab, oo Saraakiil ay ku jiraan.

Mas'uul kamid ah maamulka Xudur, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Xoogaga Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen Abal, oo ay ku sugan yihiin Malleeshiyaadka Roobow.

Al Shabaab ayaa kama aysan hadlin duulaanka ay ku qaadey Abal, balse dhanka Koonfur Galbeed war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in la iska caabiyay weerarka, islamarkaana deegaanka wali uu ku jiro gacantooda.

Tan iyo markii uu Roobow kasoo goostay Al shabaab, Kooxdan ayaa isku dayaysay inay qaarijiso hogaamiyan, oo horey usoo noqday Afhayeenkeeda, kaasi oo hadda wadahadal kula jira dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM