Soomaaliya: Madaxda DFS iyo maamullada oo kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa goor dhaweyd xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra'isal wasaaraha, madaxda maamullada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xirnaa ayaa ka dhacay qaybta VIP-da guriga Madaxweyne Farmaajo ku leeyahay Villa Soomaaliya.

Wararka uu ka helayo kulankaas Garowe Online, ayaa sheegaya inuu ahaa kala warqaadasho iyo is-faham ku aadan ajandayaasha loo ballansanyahay in maanta laga doodo.

Madaxda ayaa is-arkay xilli la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya kulan u dhaxeeya dhinacyadaas oo looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan, amniga iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo shirkaas saxaafadda laga siiyay, balse dad xog ogaal ah oo la hadlay Warsidahan ayaa sheegaya in madaxdu rabaan inay isku afgartaan qodobada shirka lala tagayo iyo is-waraysi ku aadan xaalka guud ee dalka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xaalka amni ee Muqdisho uu kasii darayo iyadoo xalay weerar lagu qaaday guri ay dagaanaayeen madaxda iyo dad shacab ah.

Wixii kasoo kordha kulankaas wararkeen dambe ayaad ku daalacan doontaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM