Soomaaliya: Madaxda dowladda oo la hadlay Dibadbaxiyaal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dadweyne kula hadlay Stadium Konis.

Dadkan ayaa ka mudaharaadaya qaraxii ka dhaxay 14-kii bishan Isgoyska Zoobe, waxaana socod ay kusoo mareen qeybo badan oo kamid ah magaalada, kahor inta aysan isagu tagin Stadium Konis.

Dibadbaxiyaasha ayaa ku dhawaaqayay "Dooni-meyno Al shabaab, Dooni-meyno dhiig-daadiye" iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan qaraxii Zoobe, oo lagu dilay 300 oo qof.

Waxaa maanta gebi ahaanba la xiray isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha iyo sidoo kale ganacsaiga goobaha ku yaalla wadada Makka Al Mukarama, iyadoo Ciidamada ay aad u adkeeyeen amaankana.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo kumanaan gaaraya, islamarkaana ay kamid ahaayeen arday iyo haween ayaa tagey goonta uu qaraxa ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay, halkaasi oo hadda uu ka socdo howlo nadiifin ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gudi heer qaran ah u magacawday masiibadii dhacday, kaasi oo ka shaqeynaya hadda u gargaarida dadkii ku dhaawacmay, oo intooda badan la jiifiyay Isbitaallada Muqdisho.

Dowlado badan, oo Turkiga, Jabuuti, Kenya, Mareykanka, Qadar ay kamid yihiin ayaa gurmad daawo iyo dhaqaatiir usoo diray Muqdisho, waxayna dalalkooda u qaadeen dhaawacyadii dalka wax looga qaban waayay.

Dhacdadii Zoobe waxay noqotay mid midaysan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibadda intaba kuwaasi oo si isku mid ah uga dhiidhiyay xasuuqaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM