Soomaaliya: Mareykanka oo ka digay saddex qodob

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha Mareykanka u jooga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka kaasoo Isniinta maanta ah ka furmay magaala madaxda.

Donald Yamamoto oo qaab fogaan arag ah kaga qeybgalay shirka ayaa adkeeyay in doorashooyinka soo aadan ay ku dhacaan hanaan wadda ogol ah.

Intii uu hadaljeedinta wadday, Yamamoto ayaa ka digay saddex qodob kuwaasoo haatan kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee laga cabsi qabo.

"Waxaan rajeyneynaa in qof kasta oo wax ku cayaaraya lala xisaabtami doono," ayuu yiri isagoo kahor adkeeyay in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan isla markaana aysan waxyeelo u geysan xasiloonida waddanka.

Diblumaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in murashaxiinta madaxtinimada ay xaqiijiyeen in aysan qaban doorasho kale.

"Hadii aan maanta guuldareysano, hafhurnimadii aan u muujinay guulaha aan gaarnay waxay wejiga labaad nagu noqon doonan kuwa aan la gaarin," ayuu ku daray isagoo u muuqda mid ka digaya qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale, safiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in aan la aqbali karin dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii ay Villa Soomaaliya ku kala saxiixdeen dowladda iyo maamuladda kale.

"Soomaalidu waxay haatan u baahan yihiin nabad, xasilooni iyo barwaaqo," ayuu ku daray, isagoo ku baaqay in hanaanka looga gudbayo mar-xaladda kala guurka ah muhiim tahay in laga qaato go'aano loo-dhanyahay.

"Go'aanka waa in aan wada qaadanaa – Dowladda federaalka, dowladaha federaalka xubnaha ka ah mucaaradka ama murashaxiinta – wadajirka waxaan qaban karnaa waxyaabo wanaagsan, balse kala qeybsanaanta waxay noo horseedeysaa kala-qoqob," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Mareykanka ayaa kamid ah dhinacyadda diblumaasiyadeed ee damaanad-qaadayaasha ka ah heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka maadaama uu Puntland iyo Jubaland ka codsaday in ay ka qeybgalaan wadahadalkii Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM