Soomaaliya: Maryan Qaasim oo la wareegtey howlaha gurmadka ee ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryam Qaasim Axmad ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaadey maanta khasab kula wareegtey howihii gurmadka ee ka socotey magalaada Muqdisho.

Maryam Qaasim ayaa shaqalaheeda Wasaarada waxay keentey xafiiska Gurmad252 halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro isxilqaantey iyo xubno ka tirsan guddiga Gurmad Qaran oo uu dhowaan magacaabey Ra’isal wasaare Khayre.

Wasiir Maryan Qaasim ayaa Wasiirka amniga Dowlada Federaalka oo madax ka ah guddi Ra'isal wasaare Khayre magacaabey u sheegtey in howshiisa aysan aheyn midda loo xilsaarey balse looga baahan yahay inuu ku mashquulo sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeeyey qaraxa dadka badan waxyeeladu kasoo gaartey.

Ra’isal wasaaraha Dowlada Federaalka ah Xasan Cali Khayre oo dhowaan soo saarey liisas kala duwan kuwasoo qayb ka ah howlaha gurmadka ayaa ka reebey Wasiirda lagu yaqaan in fikirkoodu madax banaan yahay kuwasoo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo Wasiirada Wasaarada Maareynta Masiibooyinka iyo Gargaarka Maryan Qaasim Axmad.

Wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmarey Wasiirada Maareynta Masiibooyinka iyo wasiirka Kowaad ku soo dhamaadey in labada mas'uul iyagoo wada socda tagaan xarunta Gurmadka252 halkaasoo ka socdeen howlaha gargaarka dadka dhibaatada kasoo gaartey qaraxaan kuna wareejiyey howshii howlwadeenada Wasaarada ayna hogaamineyso Maryam Qaasim.

Khayre ayaa u mahad celiyey dhalinyaradii is-xilqaantey ee howsha wadey iyo howlwadeenadii kale duwanaa ee ku sugnaa xarunta isagoo sheegey in dowlada la'aantooda waxba sameyn karin.

Howlaha Gurmadka oo kaalin weyn ka qaateen shacabka Soomalida meel kasta ay joogaan gaar ahaan dadka dhalinyarada ah ayaa waxaa hareeyey jahawareerka ka taagan kala jiheynta shaqada howl-wadeenada dowlada iyadoo uu jiraan jilaafooyin siyaasadeed kuwasoo dhex socda gargaarka loo fidinayo dadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM