Soomaaliya: Maxkamada Ciidanka oo dil ku xukuntay Askari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda 1aad ee ciidanka Qalabka Sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka, qaybta 27aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan.

Sida laga soo xigtay nuqul kamid ah eedaymaha, Yariisow waxa uu dil bareer ah ugu geystay magaaladda Belad-wayne Marxuum Marxuum Xasan Abshir Warsame, isaga oo kasoo baxdsaday halkaas, wuxuuna si dhuumaaleysi ah ku yimid caasimadda dalka.

Xeelado kala duwan ayuu adeegsaday eedaysanaha si uu ubaabiyo dilka la sheegay inuu geystay, isaga oo isku deyay inuu kusoo biiro ciidanka Booliska Soomaaliyeed, laakiin waxaa gacanta kusoo dhigay Taliska Dambi baarista ee ciidanka dowladda.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, oo xukunka Yariisow ku dhawaaqay ayaa waxa uu sheegay inuu qirtay fal dambiyeedka lagu soo oogay.

"Maxkamadda markay aragtay dooda Qareenadda soo eedeeyay, oo horkeenay caddeymaha qiraaladda laga qoray eedaysanaha, waxay ku xukuntay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] dil toogaso oo ah qisaasta Marxuumka la dilay," ayuu yiri Wabiyow.

Garsoore Wabiyow ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay racfaan ufuran tahay cidii aan ku qanac-saneen xukunka ay rideen eedaysane Dable ciidanka xooga Yariisow oo ay ugu horeysay Qareenadda Difaacayay Eedaysanaha.

Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa waxay mudooyinkii dambe is-daba joog ah uriday xukuno dilal iyo xabsiyo isagu jira kuwaaso oo hay'adaha xuquuqul insaanka aad u cambaareeyeen, islamarkaana sheegay in aan loo marin hanaan wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM